Könyv MIID & MALAB MAXAMMED GAANNI

MIID & MALAB

Szerző: MAXAMMED GAANNI
Nyelv: Szomáliai
Kötés: Puha kötésű
Kiadó: Looh Press
Elérhetőség: Beszállítói készleten
Küldés 14-21 napon belül
3 173 Ft
Buuggeennaan labadaa buugyare xambaarsan waxa uu ka sheekaynayo waa edeb uu qoraagu sheegay in uu ka...

Információk a könyvről

Szerző
Nyelv
Szomáliai
Kötés
Könyv - Puha kötésű
Kiadva
2024
oldal
124
EAN
9781912411023
ISBN
1912411024
Enbook ID
46156621
Kiadó
Súly
167
Méretek
140 x 216 x 7

Teljes leírás

Buuggeennaan labadaa buugyare xambaarsan waxa uu ka sheekaynayo waa edeb uu qoraagu sheegay in uu ka soo minguuriyay dadkii hore, dabcan, sida aan dareemi karnana aan ka marnayn waayo-aragnimadiisii uu ka dhaxlay ku dhexjirkii iyo u adeegiddii hoggaamiyayaal kala duwan. Waxa uu buuggaan ka ga warramayo badi waa hagaajinta nafta iyo waxbariddeeda, sida aad madaxda ula dhaqmaysid oo weliba ku salaysan tii boqortooyada. Buuggaan waxa aynu ugu tegaynaa weero maahmaah noqon kara, murti gaammurtay oo qofkii u dhug yeesha ka saacidaysa in uu wanaajiyo habdhaqankiisa nafeed, bulsheed iyo siyaasadeed.


Waxaa xiise gaar ah leh laba arrimood oo uu si gaara u tilmaamayo oo aan mid ku sheegi karno in qaarkeed ay soo hoos galayso waxa maanta loo yaqaanno baratakoolka oo barid iyo tababbarba loogu qaato jaamacado iyo macadyo waaweyn, qaarkeeda kalana cilmiga siyaasadda. Waxa uu ina Muqafac buuggiisaan ka ga sheekaynayaa xiriirka ka dhexeeya qofka rafiiq la noqda qof xil uun haya ama golihiisa ka tirsan, sida ay tahay in uu isu badbaadiyo, in uu booskiisa xejisto iyo in uusan marna isu dhiibin wanaag uu mar ka arkay qof xil haya oo uusan isdhigan. Sida uu sheegay Ibnil Muqafic ma ay jirto bar cayiman oo u qof xil haya abidki ka ga raalli noqdo qof u dhow, ayna tahay in uu feejignaado oo uusan isku hallayn mid kore oo deetana mid hoose uu yaso ama mid hoose uu isku halleeyo oo uu mid sare maago. Inkasta oo uusan ku guulaysan in uu naftiisa ka bixiyo qof xil haya, dardaarankiisiin uusan si buuxda ugu dhaqmin, haddana waayo-aragnimadiisii hore ee arrintaa ku saabsanayd iyo in la heer ahba waa uu inoo dhiteeyay. Laga yaabee mararka qaar in aad u aragtid in uu guulwadannimo kuu diyaarinayo, ha se ahaatee waxaa taa beddelkeeda aad ka dheehan kartaa in madaxda xilka haysa ay u dulqaadan karaan guulwade qur ah, nafsiyaddooduna aanay aqbali karin cid wax uun ku diidda, sidaa darteedna qofkii doonaya in uu maamuus joogto ah ku yeesho ay tahay in uu ugu horrayn nacamleeyo. 

Waxaa isla qaybtaa siyaasadda uu ku sheegaya xilka saaran xilhayaha, habka uu ula dhaqmayo shacabka, saaxiibka, iyo cadowga. Haddii ay culaabtiisu ku sii cuslaato cidda ay tahay in uu magansado ee leh culumo, indheergarad iyo ehlu sharaf, aysan badbaadaduna ku jirin soo dhawaysiga ardaallada.


Tan labaadina waa waxa maanta ka sii idlaanaya dunida ee ah saaxiib aan ku dhisnayn manfac iyo danaysi, aadanaha casriguna ayba sii illaawayaan in saaxiibka ugu mudan ay tahay in uu noqdo saaxiib ah saaxiib ee aan ahayn saaxiib dani keento, dani dayriso, danina ay kaa hor keento. Saaxiib dhiig iyo dhacaan loo huro, dhaqan san iyo dhimrinna la gu dhawro, la gu la socdo, loo na sabro wixii ka yimaada ee aan loo bogin. Waxa uu inoo tilmaamayaa sida lagu xusho, kalsoonida lagu dhiso, la gu dhawro, asaga oo gebegabada inoo gu tusaalaynaya saaxiibkiisa ugu qaalisan dunida oo uusan inoo magacdhabin e, uu inoo ku sawiray sifooyin ina ku riixaya in aan ku taamno helidda saaxiib noocaas ah. Waxa uu buuggaani cashar fiican u yahay jiilka kacaamaya iyo kan sii duqoobayaba, wax badan oo hagaajinta habdhaqanka ahna waa uu ka saacidayaa.



Azok a vásárlók, akik ezt a könyvet megvásárolták, a következőket is megvásárolták

Litigations

Dr Marcia Batiste Smith Wilson
3 825 Ft

Biophysics of the Senses (Second Edition)

Tennille D (Winston Salem State University) Presley
19 614 Ft

Jalkut Schimoni

Dagmar Börner-Klein
42 270 Ft
19 243 Ft

Chemical Sensors

Peter Gründler
37 609 Ft
7 722 Ft
7 722 Ft

Solving 9-11

Christopher Lee Bollyn
10 940 Ft
13 094 Ft
2 806 Ft

Thermodynamics

Enrico Fermi
5 130 Ft
3 244 Ft