Könyv Taariikhda Culimada Soomaaliyeed Mohamed Hussein Ma'allin Ali

Taariikhda Culimada Soomaaliyeed

Nyelv: Szomáliai
Kötés: Puha kötésű
Kiadó: Looh Press Ltd
Elérhetőség: Beszállítói készleten
Küldés 14-21 napon belül
7 718 Ft
Qarniyadii dhexe waxaa geyiga carbeed caan ka noqdey culimo asal ahaan ka soo jeedda geeska Afrika e...

Információk a könyvről

Nyelv
Szomáliai
Kötés
Könyv - Puha kötésű
Kiadva
2021
oldal
424
EAN
9781912411337
ISBN
1912411334
Enbook ID
37211287
Súly
552
Méretek
216 x 139 x 29

Teljes leírás

Qarniyadii dhexe waxaa geyiga carbeed caan ka noqdey culimo asal ahaan ka soo jeedda geeska Afrika ee ay degaan dadka ay ka mid yihiin Soomaalidu, kuwaa oo qeyb lixaad ka qaatey kaalimo kala duwan oo kaga aaddanayd horumarka bulshada, ha ahaato dhanka cilmiga iyo faafintiisa, ama dhanka garsoorka, tarbiyadda iyo gundhigga diinta Islaamka. Culimadaasi kuma aysan jaango'neyn degaan keliya e, waxay ku kala firirsanaayeen dhammaan geyiga carbeed, muddooyin kala duwan.


Raadraaca taariikhda culimada Soomaaliyeed ee waayadii hore waxaan ku ogaan karnaa heerka iyo baaxadda ay gaarsiisan tahay magaca iyo qiimaha ay ku lahaayeen bulshada Islaamka dhexdeeda, waxaana hubaal ah in aanay jirin magaalo ama goob ay bulshadu deggan tahay oo aanay joogin culimo ku xeel dheer diinta iyo cilmiga la xiriira. 

Waxase nasiib xuma ah in uusan jirin ilaa iyo hadda buug lagu soo bandhigo sooyaalkii culimada Soomaaliyeed oo ka faalloonaya taariikhdooda oo keliya, afka uu rabo ha ku qornaadee, in kasta oo ay jirto in qorayaal badan ay isku dayeen inay wax uun ka xusaan culimada qaarkeed iyo waayahoodii oo ay ku dhex dareen cilmi-baarisyo kale oo laga sameeyay cilmiga iyo faafinta diinta ee dalka Soomaaliya.


MAXAMED XUSEEN MACALLIN wuxuu ku dhashay Muqdisho 1964kii. Sidoo kale waa bare, iyo cilmibaare. Wuxuu ka qalan jabiyay Jaamacat Umm al-Quraa' ee Makka al-Mukarama, qodob ku saabsan Taariikhda Islaamka sanadkii 1987-1991kii, isla jaamacaddaas sidoo kale master sanadkii 1992kii. PhD wuxuu ku sameeyay Jaamacada al-Nuureyn Suudaan sanadkii 2001-2006kii. Dr Maxamed Xuseen Macallin wuxuu ka soo shaqeeyay Jaamacada badan. Sidoo kale qoraagu wuxuu ka mid yahay ururo aqooneed oo caalamka ku firirsan.

Wuxuu horey u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin kuwan: Diiwaanka Maansooyinka Abshir Bacadle, (2014); Taariikhda Culimada Soomaaliyeed (2021). Sidoo kale wuxuu Afcarabi ku qoray: al-Thaqaafat al-Carabiyyah war-Ruwwaaduhaa fiil-Soomaal (2011); Mucjam al-Mu'allifiin al-Soomaaliyiin fiil-Carabiyyah (2016); Cibaaqarat al-Qarn al-Ifriiqii (2017); al-Calaaqat bayn al-Qarn al-Ifriiqii wal Caalam al-Khaarijii (2021).

Dr Maxamed Xuseen Macallin hadda wuxuu deggen yahay waddanka Noorwaay, waana aabbe, xaas, caruur leh.

Azok a vásárlók, akik ezt a könyvet megvásárolták, a következőket is megvásárolták

4 272 Ft

Efemena

Gift Foraine Amukoyo
5 248 Ft

Černé díry

Brian Cox
6 380 Ft